SOMALIA NCD ALLIANCE ayaa bishan November bilaabay olole ballaaran oo isugu jira wacyigelin iyo baaritaanno caafimaad

November 4, 2025

๐’๐Ž๐Œ๐€๐‹๐ˆ๐€ ๐๐‚๐ƒ ๐€๐‹๐‹๐ˆ๐€๐๐‚๐„ ๐š๐ฒ๐š๐š ๐›๐ข๐ฌ๐ก๐š๐ง ๐๐จ๐ฏ๐ž๐ฆ๐›๐ž๐ซ ๐›๐ข๐ฅ๐š๐š๐›๐š๐ฒ ๐จ๐ฅ๐จ๐ฅ๐ž ๐›๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ซ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ข๐ฌ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฃ๐ข๐ซ๐š ๐ฐ๐š๐œ๐ฒ๐ข๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐›๐š๐š๐ซ๐ข๐ญ๐š๐š๐ง๐ง๐จ ๐œ๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐š ๐ฑ๐š๐ง๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š ๐ฆ๐š๐œ๐š๐š๐ง๐ค๐š (๐ฌ๐จ๐ง๐ค๐จ๐ซ๐š๐ฐ๐ ๐š). Ololehan waxaa si dhow uga qeyb qaadanaya Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya, Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed (SMA) iyo Jaamacadda Banaadir.

Mid ka mid ah hawlaha muhiimka ah ee ololahan lagu bilaabay ayaa ahaa tababar gaar ah oo loo qabtay ardayda caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir, kuwaas oo ka kala socday qeybaha caafimaad ee jaamacadda.

Tababarkan diiradda lagu saarayay kor u qaadidda wacyiga ardayda ee ku saabsan xanuunka macaanka, barashada habka baaritaanka macaanka, iyo sida bulshada loogu gudbin karo aqoonta iyo fariinta ka hortagga cudurka macaanka.

In ka badan 300 arday (oo ay ka mid yihiin 160 dumar ah iyo 140 rag ah) ayaa ka faaโ€™iideystay tababarkan. Ujeeddadiisuna waxay ahayd in ardayda lagu xoojiyo fahamka cudurka macaanka, daryeelka dadka la nool cudurkan, iyo muhiimada ka hortagga hore.

Tababarkan wuxuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee ay SOMALIA NCD ALLIANCE ku hormarineyso wacyigelinta iyo iskaashiga hayโ€™adaha caafimaadka si loo yareeyo cudurrada aan la iska gudbin (NCDs) ee sii kordhaya dalka.

Ugu dambeyntii, SOMALIA NCD ALLIANCE waxa ka goโ€™an in ay bulshada Soomaaliyeed gaarsiiso faham iyo aqoon ku dhisan cilmi, si loo helo bulsho caafimaad qabta, loogana hortago cudurrada daba-dheeraada sida macaanka, dhiig-karkaiyo Kansarka .

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *