November 4, 2025
๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ฒ๐๐ ๐๐ข๐ฌ๐ก๐๐ง ๐๐จ๐ฏ๐๐ฆ๐๐๐ซ ๐๐ข๐ฅ๐๐๐๐๐ฒ ๐จ๐ฅ๐จ๐ฅ๐ ๐๐๐ฅ๐ฅ๐๐๐ซ๐๐ง ๐จ๐จ ๐ข๐ฌ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฃ๐ข๐ซ๐ ๐ฐ๐๐๐ฒ๐ข๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ซ๐ข๐ญ๐๐๐ง๐ง๐จ ๐๐๐๐๐ข๐ฆ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐ฅ๐ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ ๐ฑ๐๐ง๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐ ๐ฆ๐๐๐๐๐ง๐ค๐ (๐ฌ๐จ๐ง๐ค๐จ๐ซ๐๐ฐ๐ ๐). Ololehan waxaa si dhow uga qeyb qaadanaya Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya, Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed (SMA) iyo Jaamacadda Banaadir.
Mid ka mid ah hawlaha muhiimka ah ee ololahan lagu bilaabay ayaa ahaa tababar gaar ah oo loo qabtay ardayda caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir, kuwaas oo ka kala socday qeybaha caafimaad ee jaamacadda.
Tababarkan diiradda lagu saarayay kor u qaadidda wacyiga ardayda ee ku saabsan xanuunka macaanka, barashada habka baaritaanka macaanka, iyo sida bulshada loogu gudbin karo aqoonta iyo fariinta ka hortagga cudurka macaanka.
In ka badan 300 arday (oo ay ka mid yihiin 160 dumar ah iyo 140 rag ah) ayaa ka faaโiideystay tababarkan. Ujeeddadiisuna waxay ahayd in ardayda lagu xoojiyo fahamka cudurka macaanka, daryeelka dadka la nool cudurkan, iyo muhiimada ka hortagga hore.
Tababarkan wuxuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee ay SOMALIA NCD ALLIANCE ku hormarineyso wacyigelinta iyo iskaashiga hayโadaha caafimaadka si loo yareeyo cudurrada aan la iska gudbin (NCDs) ee sii kordhaya dalka.
Ugu dambeyntii, SOMALIA NCD ALLIANCE waxa ka goโan in ay bulshada Soomaaliyeed gaarsiiso faham iyo aqoon ku dhisan cilmi, si loo helo bulsho caafimaad qabta, loogana hortago cudurrada daba-dheeraada sida macaanka, dhiig-karkaiyo Kansarka .









